Maxkamadda sare ee Puntland ayaa diiday go’aankii kasoo baxay isimmada SSC- Khaatumo, kuwaas oo sheegay in aysan xildhibaano u xulidoonin maamulka Puntland.
Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare, ayuu ku sheegay in go’aanka ay gaareen Isimmada SSC- Khaatumo uusan waafaqsanayn habraaca loo marayo kala kala gurista labada maamul.
Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in Puntland ay xaq u leedahay in xildhibaannada lagusoo xulo qaabkii horey loogu soo xuli jiray, isagoo sheegay in doorashada ka dib xal laga gaaridoono go’aanka isimmada SSC-Khaatumo.


