Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay Macalin Ayman oo ahaa horjooge sare oo katirsanaa Alshabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay macalin Ayman inuu ahaa horjooge ka dambeeyay abaabulka weeraro Shabaabku ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna uu yahay qodax ka siibantay dadka Soomaaliyeed.


