Garaad Jaamac:-“ Xildhibaan horey u joogay iyo mid cusub toona u dirsan mayno Puntland

0

Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan golaha dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa sheegay in aysan xuli doonin xildhibaanada beesha Dhulbahante uga qeyb gali jiray baarlamaanka maamulka Puntland.

 

Garaad Jaamac ayaa sheegay  in uusan waxba iska beddelin mowqifkooda SSC- Khaatumo ee ku aaddan in xildhibaano cusub iyo kuwa xilka ka dhamaaday midna aan loo dirsan Garowe.

 

Garaadku wuxuu sheegay haddii arrinatas la ogolaado in ay meesha ka saarayso qaddiyadda SSC- Khaatumo, isagoo sheegay in loo baahan yahay in SSC ay bannaanka ka istaagto siyaasada Puntland, qofkii ka qeyb galena uusan matelin masiirka dadka SSC- Khaatumo.

 

“Wadar ama waaxid aynu u caddayno mid horey u joogayna aynaan u kordhinayn waqtiga, mid cusubna aynaan xulaynin. Walaaladeen reer Puntlandna aan ka deyno jahwareerka, oo waxay ku tashadaan aan siino,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here