Karaash;-“Deni Wuxuu Caadeystay Keligii Talisnimo iyo inuu awooda isku kobo”,!

0

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa eedeeyay madaxweyne Deni inuu caadeystay wuxuu ugu yeeray keligii talisnimo iyo inuu awooda maamulka isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah.

 

Axmed Karaash oo war kooban kasoo saaray xafiiskiisa, ayaa sheegay tallaabooyinka madaxweyne Deni uu qaadayo inay ku dhammaan doonaan fashil.

 

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho, sidaasi waxaa yiri Axmed Karaash.

 

Axmed Karaash ayaa si toos ah ula saftay guddoonka baarlamaanka iyo xubno kamid ah mucaaradka, kuwaas aaminsan in la difaaco muddo kororsiga baarlamaanka, kaasoo ay shalay laashay maxkamadda dastuurka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here