Nin Loogu Shakisan Yahay Shabaabnimo oo Lagu Xiray Dalka Costa Rica

0

Masuuliyiinta amniga Costa Rica ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab, kaasoo lagu magacaabo Cali Cabdinuur Axmed.

 

Ninkaan oo la xiray 30-kii bishan November, ayaa la sheegay inuu ku sugnaa agagaarka xarunta daryeelka ku meel gaarka ah ee dadka soogalootiga ah (CATEM) ee aagga koonfureed ee dalka Costa Rica, oo qiyaastii 10 km u jirta xudduudda waddanka Panama.

 

Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa sheegay in ay digniin caalami ah ka heleen Xafiiska Baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) ee Mareykanka, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Mario Zamora.

 

“Ninkan waxaa si caalami ah loogu raadinayaa kamid ahaanshihiisa kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Zamora.

 

Dowladda Costa Rica ayaa sheegtay, in Cali Cabdinuur Axmed loo wareejiyay magaalada San José “isagoo la marsiin doono nidaam masaafurin ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here