Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Faarax Cali Waasuge, Faarax Kooshin ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo qaatay mudo todobaad ah ka socday deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalada ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka in laga gaaray guulo la taaban karo, islamarkaana ciidamadu ay ku qabsadeen dhul baaxad leh oo ay Al-shabaab joogeen.
“Howlgalka waxuu ahaa mid lagu najaxay oo dhul dheer ilaa 115 Kiilo-mitir lagu soo maray, waxaana meel waliba oo ay tageen looga dabatagay nimankii khawaariijta aha, howlgalka waxuu kasoo billowday degmada Buulaburte aagga kalabayr, Maxaabiis ayaana cadawga ka qabanay” Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Faarax Kooshin.

