Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax iyo israsaaseyn caawa ka dhacday Magaaladda Muqdisho.
Falkan ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay qarxiyeen dukaan ku yaalla xaafada Al baraka ee degmada Hodan kaasoo xirtay kaamirada CCTV ka dib amarkii ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta ka dhawaa ayaa eryaday dableyda oo isku dayey iney ku baxsadaan mooto bajaaj ay wateen.
Ragga hubeysan ayaa sidoo kale isku dayey iney iska caabiyaan ciidamada amaanka DF iyagoo adeegsanaya labo bastooladood oo ay wateen,booliska ayaa israsaaseyn daqiiqado socotay ka dib ku guuleystay iney dilaan mid ka mid ah dableyda hubeysan halka kan labaadna la qabtay isagoo dhaawac ah.
Sidoo kale darawalka mootada waday ayaa geeriyooday ka dib markii ay qaraxday mooto bajaajka oo ay saarnaayeen waxyaabo qarxa, iyadoo mootadiina ay halkaas ku gubatay.
Dukaankii ay qarxiyeen ragga hubeysan oo lagu iibin jiray qalabka dayactirka baabuurta ayaa gebi ahaanba gubtay.

