Xasan Shiikh;-“Waxaan Adkaynaynaa Baaqyada Wadahadalka”,

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, xasan Sheikh Maxamuud ayaa mar kale ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta khilaafaadka doorashada Puntland.

 

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta hortagay baarlamaanka labadiisa aqal, ayaa sheegay inay taabanayso oo uu ka xun yahay dhiilada colaadeed ee kasoo yeeraysa magaaalda Garowe.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka.

 

“Waxaan adkaynaynaa baaqyada wadahadalka iyo u dhego-nuglaanta baaqyada waxgaradka, in ay yihiin xalka ugu habboon ee maanta jiri kara.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here