Guddoonka labada Aqal ee oo Shaaciyay in Dastuurka Dalka La Dhameystiri Doono

0

Gudoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta ka hadlaayay furitaanka Kalfadhigga 4-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa shaaciyay in Baarlamanka uu isku dayi doono in wax laga badelo Dastuurka dalka.

 

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay in Kalfadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka inta badan diiradda lagu saari doono arrimaha Dastuurka iyo sidii loo dhameystiri lahaa qabya qoraalkiisa.

 

“Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka waxaa looga doodayaa cutubyada Dastuurka KMG ka ah, dhamaan xildhibaanada sharafta leh waxaan kula dardaarmayaa in Kalfadhigaan 4-aad ee maanta inoo furmaya u dhabar adeegaan juhdi badana ay geliyaan ka doodista dastuurka, si uu dastuurkeena uga baxo kumeel gaarnimada” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here