Siyaasiyiintii ugu cusleyd ee Midowgii Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2022-kii ayaa shir aan caadi aheyn maalmaha socda wuxuu ugu furmi doonaa Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo inuu shir wadatashi uga furmo Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo,siyaasiyiintaan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka, gaar ahaan nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, waxaana shirkooda la filayaa inuu wax ka bedelo saaxadda siyaasadeed ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada gole, si loo meel mariyo qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, iyadoo la filayo in 25 bishan November uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 4aad Golaha Shacabka oo la horgeyn doono wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaana habeeno kahor Magaaladda Muqdisho kula kulmay madaxweyne Laftagareen , waxa uuna ka codsaday in xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo badankood taageersan yihiin kasoo dhaadhciyo wax ka bedelka dastuurka.
Sidoo kale waxaa dhankooda qorshayaasha lagu dardargalinayo meelmarinta heshiiskaan wada madaxweynayaasha Dowladd goboleedyadda dalka ka jira Sida Galmudug, Hir-shabelle iyo Jubbaland,balse waxaa qorshaha ku jirin Maamulka Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi barre ayaa dhankiisa ku cadaaadinaayo Golihiisa wasiiradda in ay la kulmaan Xildhibaanadda ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay ku qanciyaan in ay ansixiyaan qorshaha wax ka badalka Dastuurka Dalka.
Lama oga sida uu ku furmi doono Kafadhigaan iyo hadii labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meelmarin doonaan Qorshashah wax ka badalka Dastuurka Dalka.
Dhanka kale waxaa jira xildhibaano wada mooshino ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre,waxayna ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo qodobadii horey usoo bandhigay uusan fulinin.
Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa sadaalinaaya in Kalfadhigaan uu ku furmi doono jawi aan caadi aheyn,islamarkaana ay jiri karaan Mooshin iyo diidmo ka imaan kara Xildhibaanadda labadda aqal.

