Nabadoon Cabdulaahi Xusen Cali oo Lagu Dilay Deegaanka Dibira

0

Dabley hubaysan ayaa Allaha unaxariiste Nabadoon Cabdulaahi Xusen Cali ku dishay  deegaanka Dibira oo Magaaladda Cadaado hoos yimaada.

 

Dilka Nabadoonka ayaa la tuhun san yahay in salka uu ku hayo aano qabiil oo mudo dheer soo jiitamaysay una dhaxaysa beelaha dega Magaalooyinka Cabudwaaq iyo Cadaado.

 

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka,Magaaladda Cadaado, kooxo hubeysnaa ayaa dilay nabadoonka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

 

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa saakay laga dareemaya xiisadd u dhaxeysa labadda dhinac.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Cadaado ee Dowladd Goboleedka Galmudug oo loogu hadlaayo dilka Nabadoon Cabdulaahi Xusen Cali.

 

Dilalka aanooyinka qabiil ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Magaalooyinka Galmudug,waxaana intooda badan sabab ah dhulalka la isku qabsado, iyo dilal horey dhinacyada isugu geystaan.

 

Oct 31, 2023-kii rag hubeysnaa ayaa Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ku dilay laba nin oo ganacsato ahaa,wuxuuna dilkaas si weyn u kiciyay bulshada Galmudug.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here