Dalalka urur goboleedka bariga afrika ayaa ku midoobaya in ay sameystaan boosaboor nuuciisu yahay mid ganacsi.
Baasaboorka cusub ee dalalka geeska afrika oo ay soomaaliya ku jirto ayaa noqonaya mid dalalka u fududeenaayo in ay is dhaafsadaan ganacsiga uu dal kasta uu soosaarto.
Ururku waxaa ay sheegeen in marka la gaaro bisha march ee sanadkaan 2016-ka uu soo bixidoono baasaboorkaan loogu talagalay is dhaafsiga ganacsiga ee dalalka geeska afrika dhaca.
Ururkaan oo loo soo gaabiyo EAC ayaa waxaa ku mideysan dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, jabuuti, soomaaliya iyo dalal kale kuwaasi oo dhaca Bariga afrika.
Shirweyne looga hadli doono qaabka loo soosaarayo baasaboorka cusub ee ganacsiga kuna mideysan yihiin dalalka geeska afrika ayaa ka furmi doona magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Waxaa uu shirweenahaan socon doonaa 22-ka bishaan febraayo ilaa iyo 27 isla bishaan.
Waa markii ugu horeysay ee dalalka bariga afrika ay sameestaan hal baasaboor oo u ogolaanayo in dalalka ay is dhaafsadaan ganacsigoodu.

