Baarlamaanka dalka turkiga ayaa isku raacay maanta oo arbaco in muda 1 sana loo kordhiyo ciidanka turkiga kaga sugan badda soomaaliya .
Kulan ay Magaalada Ankara baarlamaanka ay ku yeeshteen ayaa waxa ay ku sheegeen in ciidanka la dagaalamo burcad badeeda soomaalida ee ka howl galaha gacanka cad meed loo sameeyo muda kordhin hal sana aa kadib qatarta burcad badeeda soomaalida oo wali ka jirta biyaha soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.
Turkiga ayaa sanadkii 2013-kii kusoo biiray howl galka lagula dagaalamo kooxaha burcad badeeda soomaalida ee qafaashta Maraakiibta mara gacanka Cadmeed.
16-kii bishaan febraayo ee sanadkaan 2016 ee bilowga ah ayaa ciidanka turkiga uu ka dhacday joogitaanka badda somaaliya, waxaana hada la gaarsiiyey 10-febraayo ee sanadka 2017-da.
Howl-galkaan lagula dagaalamayo burcad badeeda soomaaliyeed ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 2009-kii markaasi oo loo taag waayey weerarada ay qaadayaan burcad badeeda soomaalida .
Maraakiibta ganacsiga, kuwa dalxiiska ayaa burcad badeeda ay afduuba uga geesan jireen kuwaasi oo ay ka helayeen lacag madax furasho badan ah.

