Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay Xubno Al-shabaab ahaa

0

Howlgal qorsheysan ayay Ciidamadda difaaca deegaanka ka sameeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

 

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidanka difaaca deegaanka ay ku qabteen horjooge ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay ku dileen mid kale.

 

Horjoogaha nolosha lagu qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabaas Garoobshe, halka mid ka kale ee howlgalka lagu dilay magaciisa lagu soo koobay Ilkacase.

 

“Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey dhagar qabe magaciisa lagu soo gaabshay Ilkacase, kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray shacabka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Warfaafinta Soomaaliya.

 

Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuciisu ay Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen xubnaha Shabaabka ee hawlgalka lagu qabtay laguna dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here