Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay laba nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka lagu dilay halka.
Falkaan dilka ah ayaa lala xiriiray dilal aanooyin qabiil salka ku haya oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacyay deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xuduud la leh gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Dad deegaanka ayaa sheegay in labada nin ee la dilay mid ka mid ah uu horey degmada uga soo noqday guddoomiyaha dhalinyarada Matabaan kaas oo lagu magacaabi jiray Faarax Cabdi Towle, halka kan kalena lagu magacaabi jiray Galad Cabdi Qowle.
Dilka Matabaan ka dhacay ayaa yimid saacado uun kadib markii laba nin oo kale oo ganacsato ahaa iyagana aano qabiil loogu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug.
Dilka Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed ayaa argagax ku abuuray dadka magaalada, iyadoo boolisku ay sheegeen in ay ku raad joogaan kuwii ka dambeyay dilka oo sida la sheegay baxaday.

