Galmudug oo Beenisay in Aano Qabiil Loo Dilay Ganacsatadda Cadaado Kasoo Jeeda

0

Taliska Booliska Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray dilkii loo geystay laba kamid ahaa Ganacsatadda Magaalada Cadaado.

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in Booliska ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay dilka,kuwa la tuhmaayana xabsiga la dhigay.

 

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Hoosagale ayaa falkan ku tilmaamay mid argagax leh.

 

Waxaa uu sheegay inay baaritaanno wadaan lana qabtay dad lagu tuhusan yahay in ay lug lahaayeen dilka ganacsatada.

 

Taliyaha oo ka hadlayay ayaa xusay in dilku u muuqday in lala eegtay waqtiga uu dhacayay, uuna ka dhacay meelo kabaxsan shaqadooda balse aan ka fogeyn, isagoo xusay inuu ahaa mid lagu carqadeynayo amniga magaaladda”.

 

“Walaaleheen ayey gacan kaxaq daran ku dileen Dhuusamareeb, waxa ay kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada, waxa ayna ahaayeen ganacsato, marka xigta Falkaan waa mid aragagax leh, cid kasta oo geysatay wax ay uga dan leedahay qal-qal gelin amni” ayuu yiri taliyaha.

 

“Baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno, arrinta kale ayaa ah in falkan uu yahay mid amniga loogasoo horjeedo iyo mid ay ku jiraan dano siyaasadeed mana aaminsanin in ay tahay arrin salka ku heysa aano qabiil” ayuu yiri taliyaha.

 

“Dilku waxa uu ka dhacay gudaha magaalada, waxa uu dhacay xilli uu roob da’yay oo lakala okoranayay, marka loo fiiriyo xilliyagana waxa ay ahayd waqti is beddelka shaqada uu dhacayay oo is beddelka ciidamada uu socday, oo shaqadii habeenimo iyo tii maalinnimo la’is dhaafsanayay”. ayuu intaas ku daray taliyaha.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here