Allaha u naxariiatee qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayadda Blue Sky waxaa ku geeriyooday Agaasimihii Tv-ga Somali Cable Cabdifataax Macalin Nuur Qeys.
Sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo saaxibadiis wuxuu ku sugnaa maqaayadda uu qaraxa ka dhacay gudaheeda.
Waxaa sidoo kale qaraxaas ku dhintay dhowr qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale oo lagu qaaday gaadiidka Ambalaasta, kuwaasoo ula cararay goobaha Caafimaadka.

