Qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa fiidkii ka dhacay maqaayadda Blue Sky oo ku taalla aagga taalada Xaawataako ee degmada Boondheere, halkaas oo nin naftiisa haligay uu isku qarxiyey.
Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay Agaasimihii TV-ga Somali Cable, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu sheegay in weli ay baaritaano socdaan.
“Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.”

