Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Maqaayadd lagu magacaabo Blue Sky ee ku taala Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Qof naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyey dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Blue Sky oo ku taalla aagga Hotel Xaawo-taako ee degmada Boondheere.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ahaa oo maqaayadda ku sugnaa.
Banaanka hore ee maqaayadda oo qaraxaasi ka dhacay waxaa Bar-Control oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo ninkaan ka shakiyey inta uusan is-miidaamin.

