Qaramadda Midoobay ayaa war kasoo saartay Xaaladda Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, oo muddo dagaalo ay ku dhexmareyn Ciidamadda Khaatumo State, iyo kuwa Somaliland.
Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramadda midoobay kuna Taariikheysnaa 10-October 2023-ka ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar la gaarto dad shacabka ee ku dhibaateysan daafaha Magaaladda laascaanood,kuwaasi oo ka barakacay Colaadda magaaladda ka jirtay bilooyinkii aynu soo dhaafnay.
Golaha amaanka Qaramad Midoobay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan magacyadda dad ku lugta lahaa dagaaladii iyo dilalkii ka dhacay Magaaladda Laascaanood,kuwaasi oo dad badan ku dhinteen.
Waxaa soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha ku eedeysan colaadda magaaladda laascaanood ay qeyb ka yihiin Madaxweynaha Somaliland, Ku-xigeenkiisa qaar kamid ah Madaxda Somaliland iyo xubno kale oo kasoo jeeda Goboladda Sool iyo Sanaag.
Magaaladda Laascaanood oo bilooyin ay dagaalo ka socdeen waxaa ku dhintay dad tira badan,waxaana ku barakacay kumanaan kun oo shacab ah,kuwaasi oo maciin biday daafaha magaaladda si ay kaga badbaadaan colaadda magaaladda ka jirtay.
Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in dadka u liis gareysan ay ku eedeysan yihiin qaraxyo, dilal, gawood falo loo geystay dad shacab ah oo caruur iyo haween isugu jira.
Mudooyinkii dambe waxa daganeyd xaaladda magaaladda laascaanood ee Gobolka Sool,waxaana inta badan magaaladda laga saaray Ciidamaadii Somaliland oo magaaladda xukumayay.

