Hoobiyayaal ku Dhacay Xaafaddo Kamid Ah Magaaladda Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya hoobiyayaal saakay aroortii laga maqlay xaafado kamid ah magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Hoobiyayaasha oo dhowr xabo ahaa ayaa ku dhacay Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir gaar ahaan Xaafadda Taarabuush,halkaas deegaan u ah dad shacab ah.

 

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in mid kamid ah hoobiayaasha uu ku dhacay guri ay daganayeen qoys Soomaaliyeed, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii guriga ku sugnaa.

 

Laamaha Amaanka iyo Maamulka Degmadda Wadajir oo dhankooda xiriiro aynu la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan hoobiyayaasha ku dhacay Degmada Wadajir ee Magaaladda Muqdisho.

 

Si dhab ah looma oga halka laga soo tuuray hoobiyayaasha saakay ku dhacay Degmada Wadajir oo uu ku yaala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ee Magaaladda Muqdisho.

 

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda hoobiyayaasha xiliyadda hore ee aroortii ka dhaca Xaafaddo kamid ah Magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo intooda badan ku dhaca guryo dad shacab ah dagan yihiin.

 

Dhowr jeer oo hore hoobiyayaal ku dhacay Degmooyinka Warta-nabadda, Waabari iyo Xamar Jajab ayaa howlgalo ay sameeyeen Booliska Soomaaliyeed waxay kusoo qabteen dad lagu tuhmaayo hoobiyayaasha in ay soo tuureen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here