Wasiirka gaashaandhiga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda Kenya ay meel kaste ku bartilmaameedsan doonto shaqsiyaadka maalgeliya Al-Shabaab.
Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in Alshabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay dalka Kenya ka wadaan, isagoo sheegay in laga adkaan doono kooxaha carqalada ku ah ammaanka dalka Kenya.
“Waanu ugaarsan doonnaa argagixisada xataa Soomaaliya gudaheeda. Waxaan kula macaamili doonnaa gudaha iyo dibadda dalkayaga.”ayuu yiri Aadan Ducaale.
Ducaale ayaa ku adkeystay in Al-shabaab amnigu ay si adag uga shaqeynayaan sidii ay uga adkaan lahaayeen mintidiinta iyo sidoo kale in ay bartilmaameedsanayaan maalgeliyayaashooda.

