Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay qaado doonto talaabo ay xuduudaheeda ku sugayso.
Faysal oo ka fal-celiyay wafti iskugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo socdaal 2 cisho ah ku tagay Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland dhawaan ay talaabo ka qaadi doonto Laascaanood.
“Waftiga Muqdisho ka yimid ee Laascaanood yimid waxba ka badali maayaan xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland, riwaayada iyo farxada badanina waxay isku badali doontaa ilmo iyo murugo” ayuu yidhi Faysal.

