Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo Soo Saaray Qodobo ay Ku Dhaliilayaan Lafta Gareen

0

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir ugu soo gabagaboobay qaar ka mid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koofur Galbeed.

Siyaasiyiintaan ayaa shirkooda kasoo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob oo qaarkood dhaliilo adag ay ugu jeediyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Qodobada ugu muhiimsan ee kasoo baxay shirka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid aha in maamulka Koofur Galbeed oo ay ku dhaliileen inuusan fulin heshiiskii 4-tii Febraayo  ee sanadkan ka dhacay Baydhabo iyo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here