ATMIS oo War Kasoo Saartay Dhacdo Ka Dhacday Halka Loo Yaqaano Madiino Gate

0

Howlgalka ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray shaqaaqo sababtay dhimasho, taasoo axadii ka dhacday halka loo yaqaano Madiino Gate oo ah illinka hore ee xerada Xalane.

Ciidamada ATMIS ayaa toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu doonayay inuu si xoog ah ku galo xarunta Xalane, iyagoo sheegay ka hor inta aan la toogan inuu tooreey ku dhaawacay askari ATMIS ah oo hor- istaagay oo ilaalo ka ahaa albaabka Xalane.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here