Xildhibaan Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaaladda Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud.

0
Laba Xildhibaan ayaa ku dhintay Qarax Miino oo ka dhacay Gudaha Magaaladda Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud.
Labadda Xildhibaan ayaa kamid ahaa mas’uuliyiin qeyb ka ahaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo gudaha u galay Magaaladda Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud halkaas oo Al-shabaab saakay isaga baxeyn.
Magacayadda xubnahaan dhintay ayaa lagu kala sheegay C/laahi Ibraahim Shaaciye oo ahaa Kaptan Ciidamadda dowladda ka Tirsan sidoo kalana ahaa XIldhibaan Golaha deegaanka Maamulka Galmudug, iyo Xildhibaan Maxamed Yare oo kamid ahaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Labadda Mas’uul ayaa saarnaa Gaari waxaa la kacday Miino dhulka ku aasneyd sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here