Somaliland oo Waxbarashada bilaash uga Dhigayso Shacabka Ka Barakacay Laascaanood

0

Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadka ka barakacay magaalada Laascaanood ay si bilaash ah u dhigan karaan dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa sheegay in shacabkii ku barakacay colaadda laascaanood ay heli doonaan waxbarasho bilaash ah.

 

“Ardayda degmada Laascaanood daganaan jirtay ee degmooyinka kale u guuray, in wax barashadoodu ay lacag la’aantahay, oo dugsiga iyo goobaha kale ee waxbarashada ay lacag la’aan ku dhigan doonaan, ilaa inta ay ku laabanayan degmada Laascaanood” Wasiirka Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa sida yiri.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here