Dabley hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dilay Alle ha u naxariistee Dr. Sakariye Cabdi Jaamac oo kamid ahaa dhaqaatiirta magaalada.
Muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta lagu dilay, ayaa lagu arkayay, askari hubaysan oo gudaha u galay xarunta, kadibna xabbad la dhacay dhaqtarka.
Gacan ku dhiig laha waxaa la socday labo nin oo la aamisan yahay inay qeyb ka ahaayeen abaabulka dilka dhaqatarka, kuwaas oo kaamerada laga dhex arkayay, iyagoo gacan ku dhiig laha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka.
Dilka dhaqtarka ayaa la ogaaday inuu salka ku hayo aano qabiil, taasoo waayahaan ka taagan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland.
Dilalka ku salaysan aanooyinka ayaa sanadkan 2023 tusbax furtay ka noqday waqooyiga Gaalkacyo. Maamulka Puntland ayaa ku guul daraystay inuu xakameeyo falalka nuucaan ah.
Laamah amniga Puntland ee Gobolka Mudug weli kama hadlin dhacdadan dilka ah oo lala xiriirinayo aanooyinka qabiilka ee ku soo noq-noqday Gobolkaas.
Ururka ay ku midaysan yihiin dhaqaatiirta Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumka ayaa sidoo kale laamaha amniga ka dalbaday in si deg deg ah sharciga loo horkeeno ciddii ka danbaysay dilkiisa.
Maalmo ka hor ay odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ayaa ku heshiiyay in qofkii qof dila lagu fulindoono qisaas, si wax looga qabto dilalka aanooyinka.

