Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in duqeyn xalay saqdii dhexe dhacday in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Duqeynta ayaa ka dhacday tuulada Shabaax oo ku dhow Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud ee bartaha dhulka Soomaaliya.
Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Saaxiibadda Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka taageera duqeymaha lala beegsado saldhigyadda Al-shabaab ayaa la sheegay in lala beegsaday sarkaal ka Tirsanaa Al-shabaab, iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo xiligaas la joogay.
Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Olol Cali Guuleed iyo afar dagaalame oo ilaalo u aheyd.
Sarkaalkan la dilay ayaa madax u ahaa dagaalyahanadda Jabhaddaha ee ku sugnaa aaga u dhexeeya Degmooyinka Ceelbuur ilaa Ceelgaras, kuwaa oo geysta weerarada lagu qaado saldhigyadda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in sarkaalka la dilay oo kaalin weyn ku lahaa howlgaladda Al-shabaab ay fuliyaan, ayna dhabar jab ku tahay Al-shabaab sarkaalka la dilay.
Ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo duqeynta lagu dilay sarkaalka ka tirsanaa Al-shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka halaysa Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah oo lala beegsado madaxda Al-shabaab iyo dagaalyahanadooda kuwaasi oo ka dhacay maalmihii dambe Shabeelaha Hoose, Mudug iyo Galgaduud, waxaana lagu dilay saraakiil dhowr ah sida dowladda ay sheegtay.

