Dowladda oo Sheegtay In ay Isa Soo Dhibeen Al-shabaabkii Ugu Badnaa

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradii ugu badneyd oo ka tirsan Al-shabaab iney isku soo dhiibeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Agaasimaha xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay si aad ah u kordheen xubnaha Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda.

Agaasime Cabdulllaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale xusay in xubnaha Al-shabaab kasoo goostay ee isku soo dhiibay gacanta dowladda ay tiradooda gaareyso 107 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

“Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay kamid ahaanshihii kooxdaas ” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here