Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo Ku Geeriyooday Magaaladda London

0

Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Axmed Naaji ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa isbitaal ku yaala Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Allaha u naxariistee Axmednaaji wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarka uu ku taagnaa fanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda Iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo Hoboladda Qaranka ee Waaberi oo uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Al Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.
Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha iyo udub dhexaadka fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan hobalada qaranka ee Waaberi.
Ilaahay ha u naxariisto, Jannatul Fardowsa Allah ha ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here