Ciidanka Qaranka ayaa burburiyey Rag Shabaab ah kuwaas oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfur bari ee gobolka Galguduud.
Ilaa iyo 43 ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dhintay hawlgalka, waxaana lagu burburiyey saddex gaari oo Shabaab ay lahaayeen.
Shabaab-ka halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen shabaab kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Shabaab.
Dhinaca kale waxaa lagu jabiyay Shabaab isku day weerar oo ay isku dayeen in ay ku qaadaan deegaanka Daaru-Necma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhanka galbeed ee isla Gobolka Galguduud waxaa ka socday maanta hawlgal saf balaaran ah, kaas oo Al-shabaab looga sifeeyay deegaano badan oo hoostaga Degmada Ceelbuur.
Hawlgallada sifaynta Al-shabaab ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee shabaab ku sugan tahay.

