Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Al-shabaab-ka jooga gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Galmudug.
Sarkaalka oo watay gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda FS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan dowladd goboleedka Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay sarkaalkaan.

