Al-shabaab oo Weerar Ku Bilowday Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Coosweyne

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab uu ka socdo deegaanka Coosweyne oo qiyaas ahaan 20 KM u jirta degmada Ceel dheer ee gobolkaasi Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen fariisin deegaankaas ay ku leeyihiin ciidamada dowladda oo maalmo kooban ka hor la wareegay gacan ku heynta deegaanka Coosweyne.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu yahay mid la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana ay ka qeyb qaadan hayaan dagaalka diyaarado dhinaca cirka ah ka duqeynaya Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here