Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mamnuucay in Magaaladda Muqdisho lagu qabto Banaanbaxyo aan lagu soo wargalinin Taliska.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walba oo Muqdisho ku qabata banaanbaxyo aan Taliska la soconin.
Taliska Booliiska ayaa sheegay in sababo amni darteed loo joojiyay in magaalada Muqdisho lagu qabto dibad-baxyo aan loo marin habraac sax ah.
”Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad Xeerka Nabadgalyada Guud. Cidii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri warka caawa kasoo baxay booliiska.
Arintaan ayaa imaanaysa xili magaaladda Muqdisho ay ka dhaceyn banaanbaxyo loogu soo horjeeday xariga Jeneraal Sheegow oo Dowladda gurigiisa weerartay islamarkaana ay xirtay.
Shacabkii uu matalayay Jeneraal Sheegow ayaa magaaladda ku qabtay banaanabxyo loogu soo horjeeday xarigiisa,waxyana dowladda ku eedeeyeen in ay qaaday tilaabo qaldan,ayna soo deyso Sheegow.
Dhanka kale waxaa jirey warar ku aadan in magaalada muqdisho lagu qaban lahaa maanta banaanbaxyo lagu soo dhaweynayay Ciidamadda SSC oo Shalay la wareegay inta badan Magaalaadda Laascaanood ee Gobolka Sool.

