Ciidamadda SSC oo Gacanta ku Dhigay Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Somaliland

0

Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Somaliland ee aagga Maraagga ee bariga magaalada Laascood, ayaa saakay kamid noqday askar ay ciidamada SSC Khaatumo qabteen.

Bootaan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Somaliland ka dhex muuqday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood 8 billood ka hor.

Waa markii kowaad ee jab intaa la`eg loo gaysto ciidamada Somaliland, iyadoo laga qabsaday 2 saldhig oo muhiima oo kala ah saldhigii Maraagga iyo saldhigii caanka ahaa ee Goojacadde.

Sidookale ciidamada Somaliland ayaa laga qabsaday baabuur iyo maxaabiis, tani ayaana guul muhiim ah u ah ciidamada SSC Khaatumo oo muddo 8 billood ah dagaal kula jiray ciidamada Somaliland ee aagga Laascaanood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here