Dowladda Soomaaliya oo Maanta Xiraysa Aaladaha kala ah TikTok, Telegram, iyo 1XBET

0

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo isticmaalka aaladaha kala ah TikTok, Telegram, iyo 1XBET,kaasi oo maanta lagu wado in laga dhaqan galiyo Magaaladda muqdisho saacaddo marka ay tahay 11;30PM ee caawa.

Go’aankani waxa uu kiciyay falcelin kala duwan, iyada oo dadka qaar ay caddeeyeen baahida loo qabo in lala dagaallamo anshax-xumada halka kuwa kale ay diirada saarayaan isticmaalka togan ee barahaan.

Dowladda ay ku adkeysaneyso go’aanka ay ku mamnuucday Telegram-ka, iyadoo sabab uga dhigaysa walaaca laga qabo faafinta muuqalada anshax xumada ah, gaar ahaan kuwa si qarsoodiga ah looga duubo gabdhaha Soomaaliyeed.

Halka kuwa Dowladda kaga soo horjeeda go’aankan ayaa ku doodaya in TikTok iyo Telegram ay yihiin aalado laba Afle ah, oo yeelan kara labada saameyn mid togan iyo mid taban.

Telegram, gaar ahaan, waxaa difaacay dad badan kuwaas oo xoogga saaraya dabeecadiisa wax ku oolka ah.

Dadka isticmaala ayaa ku doodaya in uu bixiyo adeegyo kala duwan, laga bilaabo fududeenta waxbarashada iyo akhriska ilaa koorsooyinka akadeemiyadeed.

Dadkaas ayaa u arka Telegram-ka inoo yahay ilo waxbarasho oo muhiim ah ooka weyn bar dadka ay ku wada xiriiraan oo kaliya.

Senator Maryam ee ka tirsan Aqalka Sare ayaa sidoo kale ka soo horjeeda mamnuucista Tiktok, ayaa hoosta ka xariiqday faa’iidooyinka ka dhalan kara TikTok, iyadoo muujisay sida ay fursado shaqo u siisay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kana leexisay tahriibka.

Puntland ayaa sidoo kale jawaab ka bixisay qorshahaan ay dooneyso dawladda federaalka inay hirgeliso, ka dib marka uu Wasiirka Warfaafinta uu ku dhawaaqay in uu diiday in la dhaqan geliyo xayiraadaasi, si lamid ah Somaliland ayaa diiday qorshaha Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Guddigga warfaafinta u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka si su’aalo loogu weydiiyo go’aanka uu kasoo saaray xirista aaladaha kala ah TikTok, Telegram, iyo 1XBET.

Diidmada awaamiirta Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabada hortaagan in guud ahaan dalka si isku mid ah looga dhaqan geliyo xayiraadaas.

Sida ku cad go’aanka dowladda oo ay soo saartay Wasaarada Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda, waxaa la filayaa in Maanta laga dhaqan geliyo mamnuucidda magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here