Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Khaatumo State iyo Ciidamadda Maamulka Somaliland oo saakay ka dhacay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.
Labada dhinac ee Somaliland iyo Maamulka Khaatumo State ayaa midba midka kale ku eedeeyay in isaga dagaalka uu bilaabay.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Ciidamadda Somaliland iyo kuwa Khaatumo State.
Goobjooge ku sugan magaaladda Laascaanood oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu soo bilowday saakay saaladii subax kadib xaaladdana ay haatan dagan tahay,islamarkaana dagaalka ay ku gacansareeyaan Ciidamadda Khaatumo State.

