Hanti dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in uu xaraashay qaar kamid ah xeryihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee kuyiilay gobolka Mudug.
Hanti dhowraha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay maamulka Puntland, inuu 20 milyan oo dollar ku gatay labo kamid ah xeryahaas oo lagu kala magacaabo, Warshaddii Kabidda iyo xero Siinaay, oo kuyaalay magaalada Gaalkacyo.
Wuxuu sheegay lacagta kasoo baxday labadaas xero in lagu daray mashruuca dhismaha dekeda Garacad. Hanti dhowruhu waxa uu sheegay dhaqaalaha lagu iibiyay labada xero in ay yihiin dhaqaale ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, loona baahan yihiin in lagu xisaabtamo.
“Xeryaha ciidanka xoogga dalka waa hanti guud. Hanti guudna waxaa masuul ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Dekedda Garacad maadaama lagu daray lacagtaas, waxaa la rabaa lacagtaasi inay noqoto lacag dadka Soomaaliyeed ka dhaxeyso, waayo lacagtaasi waxay ka timid hanti guud oo dowladdu leedahay. Waa inay gashaa meel guud oo dadka Soomaaliyeed ka dhaxayso,” ayuu yiri hanti dhowraha qaranka.

