Cali Guudlaawe oo Shacabka Ugu Baaqay in ay Ka Qeyb Qaatana Dagaalka Al-shabaab

0
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeellle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shir looga hadlayay Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada, Maamul dhisida, Amniga, Cadaaladda iyo Xalinta Khilaafaadka.
Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada deegaanka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa diirada lagu saaray Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha Xasilinta adkeynta Nabadgelyada, Maamul dhisida, Dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Xoojinta iyo Tayeynta Hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in Degmada Cali Gaduud iyo dhamaan Magaalooyinkii laga xoreeyay Al-shabaab la gaarsiiyo adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay cadowga ku hayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here