Maamulka Somaliland ayaa sheegay in deeganadiisa laga mamnuuci doonin adeegyadda kala ah Tiktok iyo Telegram.
Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi aya sheegay in go’aankaasi aanu Somaliland khusayn.
“Inama khusayso laba dal ayaynu kala nahay, oo midwalba ay dowladnimadiisu gaar u tahay markaa wax ina khuseeya maaha” ayuu Wasiir Suufi.
Qaar kamid ah dhalinyaradda isticmaasha aaladahaan ayaa sheegay in go’aan qaldan ay qaadatay dowladda Soomaaliya,islamarkaana ay dhigi doonaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan.

