Al-shabaab oo Guulo Ka Sheegtay Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho iyo Kismaayo

0

Al-shabaab ayaa ka hadlay dagaalo saacadihii ugu dambeeyay ay la galeyn Ciidamaddda Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho iyo Duleedka Magaaladda kismaayo ee dhanka Gobolka Jubadda Hoose.

Qoraal kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaalo saacadihii dambeeyay ay la galeyn Ciidamadda Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ku qabsadeen gaadiid dagaal kuwa kalana ay ku gubeen.

Dagaaladaan ayaa ka dhacay Beerta Cali Mahdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho,iyo Deegaanka janaay Cabdale ee Duleedka Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here