Faah-faahin;-Madaafiic Ku Dhacday Magaaladda Laascaanood

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic lagu garaacay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay xaaladeeda ay daganeyd.

4 qof ayaa ku nafwaayey madaafiic ku dhacday bakhaar ku yaala magaalada Laascaanood, sida uu goob jooge u sheegay warbaahinta.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayaa ilaa saaka subixii is waydaarsanayay rasaas, sida ay wararku sheegayaaan, inkasta oo aan war rasmi ah laga hayn baaxada iska hor imaadka.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa dhawaanahan xasiloonayd, iyada oo aanu wax dagaal toos ahi ka dhicin muddo todobbaado ah, kadib dagaalo is xig xigay oo bilihii lasoo dhaafay halkaa dhinacyada ku dhexmarayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here