Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 18-Al-shabaab ahaa

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ka dhan ah Alshabaab, waxay ka fuliyeeen deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

Ciidamada ayaa weeraray dagaalamayaal katirsan Alshabaab, kuwaas oo dowladdu ay sheegtay in ay si dhuumaalaysi ah isugu aruursanayaan beero ku yaalla deegaanadaas.

Weerarkaas ayaa lagu dilay 18 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, sida saraakiil ka tirsan ciidanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka lagu beegsaday saddex xarumood oo kala ah, Xafiisyo maamul, garaash lagu diyaarinaayay gadiid qaraxyo ah iyo goob la sheegay inay isbaaro u taalay Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here