Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukun Ku Riday Odey Ku Shaqeysanayay Sixir iyo Turufo

0

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Maanta 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin oday ah oo lagu helay eedo la xariira inuu Sixir iyo turufo uu adeegsaday ku kufsaday haween badan oo qaar kood la qabo.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Shooble oo 52 sano jir ah ayaa la sheegay inuusan ku ekeen kufsi kaliya oo uu haweenka qaar kood ka duubay muuqaalo anshax xumo ah.

Maxkamada gobolka banaadir ayaa baaritaan dheer kadib ku heshay in ninkaan uu galay sadex ka mid ah dambiyada lagu soo eedeeyay oo ay kamid ahaayeen inuu adeegsaday Sixir iyo turufo, islamarkaana uu haweenka sidaas ku kufsaday kana duubay muuqaalo anshax xumo ah.

Eedeysane Maxamed Xasan Shooble ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay inuu geestay dambiyada qaar ee lagu soo eedeeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here