Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay, 12 kalena way dhaawacmeen kaddib markii qarax wadada dhinaceeda lagu aasay uu qabsaday gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay meel u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dad ku sugan Qoryooley ayaa sheegay in gaariga qaraxu haleelay uu ka yimid magaalada Marka kuna socday degmada Qoryooley, dadka saarana ay u badnaayeen, dad reer Qoryooley ah.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaase gobolka oo kamid ah meellaha ay dagaalladu ku dhexmaraan ciidamada Dawladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

