Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay in gobolka Sool ay colaadu soo gaarsiisay burbur xoog leh, loona baahanyahay in laga hawl galo soo celinta nabada.
Prof: Faratoon oo ka qaybgalay xaflad ay u sameeyeen bulshada reer Sool ee degan magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in burbur dad gaar ahi ay u sababyihiin uu ka dhacay gobolka Sool.
“Burbur wayn ayaa ku dhacay Sool, iyo inta jiideeda ah ee deegaanka dadkaasi ay dagaan, runtii burbur aan la malayn karin ayaa ku dhacay, dee waxaana danbigeeda leh dadka iyagu burburka sameeyay ee u sabab ahaa” ayuu yidhi Prof: Faratoon.

