Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa farriin adag u diray dadka Xumaan wadayaasha ah ee doonaya in ay afkooda ugu adeega Al-shabaab.
Wasiirka ayaa hadaladaa jeediyay xilli uu la kulmay ciidamo ka tirsan xoogga,qwuxuuna xusay in ay jiraan dad raba in la damiyo iftiinka dowladnimo ee u bidhaamay shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa soo jeediyay in la beegsado dadka taageera Al-shabaab ,isla markaana gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu caddeeyo in ay u shaqqeyaan Shabaab.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la dardaarmay ciidamada xoogga ee uu la hadlay ayaa xasuusiyay in ay leeyihiin hal cadow,loona baahan yahay in ay hal il ku arkaan Shabaab.
Wasiirku,waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada Soomaaliya ,isla markaana laga qeybqaato dagaalanka ka dhanka ah Shabaab.

