NISA oo 10-Xubnood u Xirtay La Shaqeynta Al-shabaab, Xubno kale oo Baxsaday

0

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 basaasiin u ahaa Shabaab,kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku war-galiyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa intaas ku daray in la bilaabay  gabagabeeynta howlgalka wajiga koowaad ee Shabaab ka dhanka ah oo looga ciribtiray goobaha ay ku harsan yihiin,lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeele.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here