Ciidamadda Dowladda oo Ku Dagaalamay Masaajid Cali Gaduud, Saraakiil iyo Askar Lagu Dilay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay ka dhacay Deegaan Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, dagaalka ayaa yimid kadib kala shaki soo kala dhexgalay Ciidamadaan oo magacyadooda ay kala yihiin Cumar Binu Khadaab iyo Cali Binu Abii Dhaalib oo dhawaan Tababar ciidan loogu soo xiray Magaaladda Muqdisho si ay qeyb kaga noqdaan dagaalka Al-shabaab ka dhan ah.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Masaajidka Cali Gaduud Shabeelaha Dhexe ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,wuxuuna dagaalka socday muddo saacad ah.

Ciidamadda Guutadda Cumar Binu Khadaab oo ka baxay Magaaladda muqdisho ayaa qorshahooda wuxuu ahaa in ay gaaraan deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan, iyo Galgaduud balse xili ay marayeen Deegaanka Masaajid Cali Gaduud waxaa ka shakiyay Ciidamadda Cali Binu Abii Dhaalib oo saldhig dhawaan ka sameystay Deegaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay sidoo kalana dhaawac ku noqday askar fara badan oo labadda dhinac ka kala tirsanaa iyo saraakiil dhalinyaro ah oo kala hogaaminayay ciidamadda.

Tirade horudhac ah ayaa lagu sheegay 25-askari oo labadda dhinac ka kala tirsanaa,waxaana suuragal ah in tirada halkaas kasii badato madaama dagaalka uu xili habeen ah dhacay.

Xubnaha ilaa haatan ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Taliyihii Ururka labaad ee Ciidanka Cali Binu Abii dhaalib kaasi oo lagu magacaabi jirey Kaptan Maxamed Axmed Abshir,sidoo kalana soo noqday saraakiil dhalinyaro ah oo kasoo shaqeysay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sabab kale oo keentay in Ciidamadda kawada Tirsan dowladda in ay dagaalamaan marka laga reebo kala shaki soo kala dhexgalay madaama xiliga uu ahaa xili habeen ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-shabeelle oo loogu hadlaayo Ciidamadda ku dagaalamay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Arintaan ayaa imaanaysa xili howlgalo xoogan ay ka socdaan Gobolada dalka Soomaaliya,kuwaasi oo loogu soo horjeedo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Ciidamadda Guutooyinka Cumar Binu Khadaab iyo Cali Binu abii dhaalib ayaa kamid ah Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Wajiga Labaad ee Al-shabaab,kaasi oo dhawaan ka bilaan doona Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo dagaalka wajiga Labaad kaasi oo dowladda qorsheynayo in lagula wareegi Degmadda Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa saldhig ka sameysan doona Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug si halkaas dhiirigalin ugu sameeyay askar dagaalamaysa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here